U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Socota Dowladda Federaalka Iyo AMISOM Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose ay gaaraan saraakiil ciidan oo ka kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM.

Saraakiishan ayaa magaaladaasi la filayaa inay kulamo kula qaataan madaxda maamulka Marka iyo saraakiisha ciidan ee halkaasi ku sugan.

Ulajeedka saraakiishan ay maanta u tagayaan magaalada Marka ayaa ah in wax badan ay ka ogaadaan ammaanka magaaladaasi oo maalmahan faraha kasii baxayey.

Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa dhawaan waxay la wareegeen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose kadib markii halkaasi isaga baxeen ciidankii dowladda, inkastoo Labo cisho kadib Al-shabaab ay halkaasi faarujisay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News