U bood dhigaalka

Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay oo Garbahaareey ka sheegay wax ka qabashada abaarta Gedo (Dhageyso Wareysi)

Sheeko:Dalka

Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay oo gaaray magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa balan qaaday wax ka qabashada abaarta ka jirto deegaano ka mid ah gobalka Gedo.

Gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo ay ugu horeyn la kulmeen ayeey ka dhageysteen warbixin guud oo ku saabsan xaaladda Gedo ka jirta.

Kaliil ayaa sharaxaad ka bixiyay abaarta Gedo ka taagan, dhibaatooyinka ay qabaan dadka shacabka ah iyo sida ay u arkaan in wax loogu qaban karo.

Sidoo kale waxa uu Kaliil kala hadlay sidii ay mashaariic hormarineed uga sameyn lahaayeen deegaanada gobalka Gedo, iyo sidoo kale in gobalkaasi ay ka howlgalaan Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Siyaasadda iyo Bini’aadanimada u qaabilsan.

Gudoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadoow Kaarshe ayaa Goobjoog Fm, waxa uu sharaxaad buuxda ka siiyay waxyaabaha diiradda lagu saaray kulankaasi iyo balanqaadka ay sameeyeen saraakiisha Qaramada Midoobay ka socotay.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay Gudoomiyaha degmada Garbahaareey.

Goobjoog News