U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Booliiska Oo Soo Dhaweyn Loogu Sameeyay Cadaado

Sheeko:Dalka

Kulan lagu soo dhaweynayey saraakiil ciidan oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya islamarkaana dhawaan gaaray degmada Cadaado si ay tababar ugu furaan ciidamo Booliis ah oo ka tirsan Galmudug ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay magaaladaasi.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka degmada Cadaado, ganacsato iyo xildhibaannada deegaanka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, saraakiisha lasoo dhaweynayey, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha degmada Cadaado C/laahi C/raxmaan Xuseen oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweynta saraakiisha kadib waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay ku faraxsan yihiin dadaallada degmada Cadaado looga furayo xero ciidan Booliiska Galmudug lagu tababarayo.

“Waxaan soo dhaweynaynaa wafdiga ka yimid Xamar iyo tababarayaalka horay noola joogay ee Dugsiga tababarka Galmudug ee Cadaado tababarka ka wada, waxaan si gaar ah usoo dhaweynaynaa saraakiisha Booliiska ka socda waxaan leenahay Cadaado kusoo dhawaada” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Cadaado.

Gaashaanle Sare Cumar Macallin Xasan oo ka tirsan saraakiisha Booliiska ayaa halkaasi ka sheegay in ciidamada ay doonayaan in la tababaro ay u hayaan qalabkii Dhibowga ku gali lahaayeen.

“Waxaa nasoo diray taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waan ku tala galay agabkii tababarada ah ee ay heli lahaayeen ciidankaan, waxaana uu soo dhiibay taliyaha 300 ciidan dareeskooda oo aysan jairin gobol loo diray hadda kahor ayna tahay markii Koowaa oo taliyaha ciidanka Booliiska uu soo dhiibo dhar tababar lagu furayo”

Ciidamo Booliis ah kana mid ah Galmudug ayaa dhawaan la filayaa in tababar looga furo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News