U bood dhigaalka

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo gaaray degmada Baxdo

Sheeko:Amniga

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa gaaray degmada Baxdo ee gobalka galgaduud, oo ay qaar kamid ah shacabka ay ka wadaan abaabul hubaysan oo ka dhan ah ururka alshabaab.

Taliyaha Guutada 1-aad ee Qeybta 12-ka April Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) iyo xubna ka tirsan ciidamada xoogga ayaa u kuur galay xaaladda dadka deegaanka ah ee isku urursaday sidii ay deegaannada hoostaga degmada Baxdo ay uga saari lahaayeen ururka alshabaab.

Saraakiishaan ayaa ku booriyay ciidanka dadka deegaanka, howlgallada ay ka wadaan deegaannada hoostaga degmada Baxdo ee gobalka Galgaduud.

.
Goobjoog News