U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Ku Geeriyootey Shil Gaari

Sheeko:Dalka

Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidanka maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa iney maanta ku dhinteen shil gaari.

Shil uu galay gaari ay la socdeen saraakiishan ayaa sababay iney dhintaan, waxaana shilkaasi lasoo sheegayaa sidoo kale iney ku dhaawacmeen askar Puntland.

Sadexdan sarkaal ee geeriyootay ayaa kala ah G/dhexe Maxamed Siciid Jaamuus oo ahaa la taliyaha UN-ka arrimaha ciidanka asluubta Puntland, kana tirsanaa ciidanka Daraawiishta ee maamulkaasi, G/dhexe  Cawad C/raxmaan Guuleed Taliye xigeenkii hoggaanka ilaalinta cashuuraaha oo ka tirsan ciidanka Booliska Puntland iyo Gaashaanle dhexe Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ahaa kaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida kana tirsanaa Ciidanka Booslika Puntland.

Saraakiishan ayaa shilka galay xilli ay ka yimaadeen deegaanka Carmo kuna soo jeedeen magaalada Garoowe, waxaana gaarigii ay wateen uu shilka ku galay deegaanka Dangoronyo ee gobolka Nugaal.

Saddexda sarkaal ee geeriyootey ayaa maanta waxaa aas loogu sameeyey magaalada Garoowe, iyadoo aaskaasi ay ka qeybgaleen madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale.

IMG_9643 IMG_9638 IMG_9622 IMG_9609 IMG_9605 IMG_9602