U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Oo Tababar Loogu Soo Xiray Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaa maanta xerada Jazeera 2 ee duleedka magaalada Muqdisho waxa uu tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga, kuwaasi oo muddo tababar qaadanayay.

Saraakiisha tababarkaan loo soo xiray ayaa soo bandhigay waxyaabihii ay barteen mudadii tababarka uu socday.

Waxaa halkaasi sidoo kale ku sugnaa saraakiil ka socotay Midowga Yurub, kuwaasi oo bixiyay tababarka saraakiisha ciidanka xoogga dalka la siiyay.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Aadan Axmed ayaa saarkiishii tababarkaan loo soo xiray hadal dheer u jeediyay, isaga oo ku bogaadiyay inay la yimaadaan wax qabad muuqda, una istaagaan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Midowga Yurub ayaa tababarro sidaan oo kale ah gudaha dalka ku siiyay qaar ka mid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil isla ciidankaasi ka tirsan.

Goobjoog News