U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Somaliland Oo Ku Dhintey Shil Gaari

Sheeko:Caafimaadka

Saraakiil Ka Tirsan ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen Shil gaari oo ka dhacay deegaan u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera.

Inkastoo aan la shaacin magacyada saraakiishan, hadana wararka waxay sheegayaan in garigii ay la socdeen oo marayey Tuulada Xamaas uu ku dhacay gaari kale oo ay dad shacab ah la socdeen.

Sidoo kale, waxaa jira khasaare dhaawac ah oo ka dhashay shilkaan, hase ahaatee weli waxaa socda baaritaanno arrimahan la xiriira.

Shilalka sidan oo kale ah ayaa noqday kuwo soo lab laabtay deegaannada Somaliland.

Goobjoog News