U bood dhigaalka

Saraakiil Puntland Ah Oo Kormeeray Xabsiyada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Masuuliyiinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa ka warbixiyay xaaladda nololeed ee ka jirta xabsiyada magaalada Boosaaso oo kormeer ay ku tageen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Cidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland iyo xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada qalabka sida puntland ayaa ka warbixiyay kormeerkooda iyo waxa ay kala kulmeen xabsiyadaasi.

Kormeer Kani ay sameyeen sarakiisha  maxkamada cidamada qalabka sida ayaa salka ku hayay sidii loo baari lahaa edesanayaasha xabsiga wayn ee Boosaaso ku jira oo sugaya racfaanka eedda loo haysto.

Gudomiyaha Maxkamada Cidamada Qalabka sida ee Puntland Korneel Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa sheegay inay xeer ilaaliyaha Ku Warejiyeen Dacwada Edesanayaasha ku jira xabsiga weynyn ee Bosaso.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada cidamada qalabka sida ee puntland Korneel Cabdikariin xasan firdhiye ayaa isna shegay inay edesanayasha xabsiga ku jira la baari doono eeda loo haysto wixii lagu waayana lasii deyn doono.

Goobjoog News