U bood dhigaalka

Saraakiisha Caafimaadka Degmada Jowhar Oo Sheegay In Cudurka Jadeecada Ka Talaaleen Caruur Ka Badan 2 Kun (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JowharSaraakiisha caafimaadka ee ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay cudurka Jadeecada ay ka talaaleen caruur tiradooda ka badan tahay 2 Kun, talaalkaas oo maalmahaan oo dhan socday.

Caruurtaan oo ku dhaqnaa xaafadda Kulmis ee degmada Jowhar ayaa la sheegay in Kiiska Jadeecada lagu arkay, taasna ay keentay in deg deg caruurta aanu weli cudurka helin la talaalo.

Liibaan Maxamed Xasan oo ah Madaxa Isbitaaka IMC oo o waramay Goobjoog ayaa sheegay in talaalkaan ay wadeen maalmo aad u badan, sidoo kalena ay xilli walba diyaar u yihiin in sidaan oo kale uga hortagaan cudurka Jadeecada iyo kuwa kale ee faafa.

“Xaafadda Kulmis ayaan kiisaska Jadeecada ku aragnay, talaal ayaana ka fulinay, waxaan ognahay in canuga qaba cudurkaan uu ku faafin karo ilaa 15 caruur kale oo isku dugsi yihiin ama xaafadba isla joogaan” ayuu yiri Liibaan Maxamed

Dhanka kale goobaha caafimaadka ah ee ku yaala degmada Jowhar waxaa ku sugan caruur badan oo laga keenay deegaano fog fog oo gobalka Shabeelaha Dhexe ka mid ah, kuwaa oo uu soo ritay cudurka Jadeecada.

Halkaan Hoose Ka dhageyso.

Goobjoog News