U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Gobalka Hiiraan Oo Sheegay In Deegaanno Badan Ka Qabsadeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobalka Hiiraan oo faah faahin ka bixinayay howlgal ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan gobalka Hiiraan, ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka qabsadeen deegaanno dhowr ah.

Maxamed Diiriye Cismaan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada ay qabsadeen deegaanno badan oo dhanka Koonfureed ka xiga magaalada Baladweyne.

Sidoo kale sarkaalkaan ayaa sheegay in ciidamada ay ku baxeen wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Baladweyne iyo kuwa degmada Buuloburde.

“Ciidamada jihooyin badan ayeey ku dhaqaaqeen, kuwo yar oo Al-shabaab ka mid ah ayaa naga horyimid, iyagana waan kala erinay, wadada laamiga ah waxaa ku socda ciidan badan iyo gaadiid dagaal, dhanka Buuloburde ayaana lagu socdaa, sidoo kalena deegaan walba oo Al-shabaab kaga sugan yihiin gobalka Hiiraan waan ku soconnaa” ayuu yiri Maxamed Diiriye.

Ugu dambeyn sarkaalkaan ayaa sheegay in marnaba aysan dib uga laaban doonin deegaan walba oo Al-shabaab ay ka qabsadaan, waxaana shacabka gobalka Hiiraan uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xarakada Al-shabaab dhankeeda kama aanay hadal dagaalladaasi iyo sidoo kale deegaanada la sheegay in laga qabsaday.

Ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee isugu jira Jabuuti iyo Itoobiya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadeen deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Hiiraan.

Goobjoog News