U bood dhigaalka

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Ay Ka Wadaan Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ee Itoobiya ayaa howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab waxay ka wadaan deegaanno dhanka bari kaga yaalla gobolka Hiiraan.

Maxamed Muumin Saney oo ah taliyaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Maxaas oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamadooda ay la wareegeen deegaanno badan oo ku yaalla bariga Hiiraan, islamarkaana meelaha qaar ay iska horimaadyo kala kulmeen ciidanka Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen xadka ay wadaagaan gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

“Howlgalka ciidanka ay wadaan ulajeedkiisu waxa uu yahay sidii looga bixin lahaa cadowga meelaha uu dalka kaga sugan yahay, waxaa la qabtay deegaanno badan oo gobolka Hiiraan ka tirsan, waxaa la qabtay deegaano ku dhawo degmada Maxaas, markii taa laga tago waxay ciidanka ay qabteen degmada Aadan Yabaal, waxaana hadda si buuxdo gacanta ugu haynaa xadka ay wadaagaan gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaan uu socon doono tan iyo inta Xarakada Al-shabaab ay ka saarayaan guud ahaan dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa maalmahan dambe waxay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen deegaanno ka tirsan gobollada dalka.

Goobjoog News