U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Gedo Oo Ka Hadlay Sababta Ay Uga Baxeen Deegaanno Ka Mid Ah Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan gobalka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyay sababta ay uga baxeen deegaanno ka mid ah gobalkaasi, iyaga iyo ciidamada Itoobiya.

Korneel Khaliif Cumar Xiirey oo ka mid ah saraakiishaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada sababta halkaasi uga baxeen ay tahay qorshe dagaal oo ay ku damacsan yihiin arrimo ciidanka u gaar ah.

Waxa uu tilmaamay in ku tala gal ay halkaasi uga soo baxeen, islamarkaana xilliyada soo aadan la ogaan doono qorshahooda.

“Anaga ku tala gal ayaan uga soo baxnay deegaanadaasi, waxaana jira qorshe ciidan oo aan saxaafadda lala wadaagi karin, sidaa darteed ciidamada waa kuwo mar walba heegan ah” ayuu yiri Korneelka.

Sidoo kale Korneel Khaliif ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ay ku qaadeen deegaanno ay Al-shabaab kaga sugnaayeen gobalka Gedo, inay ku guuleysteen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa faarujiyay deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarey ee gobalka Gedo, kuwaa oo horay dagaal ugala wareegeen Al-shabaab.

Goobjoog News