U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Gobalka Bakool Oo Sheegay In Duulaan Ku Yihiin Deegaanno Gobalkaasi Ay Ka Joogaan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in duulaan ku yihiin deegaano badan oo ka mid ah gobalka Bakool, islamarkaana ay maamulaan Xarakada Al-shabaab.

Korneel Abaaba oo ka mid ah saraakiishaan ayaa warbaahinta mar uu kula hadlay degmada Diinsoor ka dib la wareegistoodii ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ay yihiin kuwo kusoo socda deegaanno kale.

“Waxaan ku soconnaa meel walba oo gobalka ay ka joogaan Al-shabaab, waxaa naga go’an in aynu xureyno guud ahaan gobalka, ciidamadana ma joogsan doonaan” ayuu yiri Korneelka.

Dhinaca kale waxa uu Korneelkaan ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada gobalka Bakool in ay u istaagaan la shaqeynta ciidamada dowladda iyo sidoo kale in ay soo sheegaan cid walba oo amniga wax u dhimeysa.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan la wareegay degmada Diinsoor oo ay maamulayeen Al-shabaab, waxaana dhinaca kale ciidamada ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Goobjoog News