U bood dhigaalka

Saraakiisha Dowladda Ee Gobolkaa Hiiraan Oo Ka Hadlay Howlgallo Ay Ka Sameeyeen Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya ee gobalka Hiiraan ayaa ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidanka dowladda ka sameeyeen gobalkaasi.

Howlgalladaan oo ciidamada dowladda federaalka ay ku gacan siinayeen ciidamada AMISOM ee gobalka Hiiraan waxaa laga sameeyay degaanno ay kamid yihiin kuwa ku yaalla duleedka magaalada Baladweyne.

Intii ay socdeen howlgalladaan ayey saraakiishu sheegeen in ay la kulmeen weerarro kaga yimid Xarakada Al-shabaab balse ay iska caabiyeen, waxaana jirta in degaanka ay ka barakaceen dadkii deganaa qaarkood.

Dhame Ibraahim Xuseen Aadan ayaa sheegay in Labo askari ay kaga dhaawacantay weerarkaasi dowladda federaalka hase yeeshee uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidankii AMISOM ee qeybta ka ahaa howlgalladaasi.

Howlgalladaan ayaa waxay saameyn ku yeesheen dadweynaha ku nool degaannaddii laaga fuliyey sida Luuq Jeelow iyo kuwo kale.

“Howlgallada natiijo badan ayaan ka gaarnay, Afar nin ayaan ka dilnay Al-shabaab, waxaana kuu sheegayaa in saanad ciidan iyo shidaalba aan ka qabsannay” ayuu yiri sarkaalkaasi oo la hadlay Goobjoog News.

Xaaladda ayuu sheegay inay maanta tahay mid deggan islamarkaana ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ka wadaan howlgallo lagu sugayo ammaanka.

Goobjoog News