U bood dhigaalka

Saraakiisha Galmudug Oo Ka Hadlay Xaaladda Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Saraakiisha maamulka Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay maxaabiis ay ku qabteen dagaalka galbeedka Gaalkacyo.

Saraakiishu waxay sidoo kale Goobjoog News  faahfaahin ka siiyeen aagga dagaalka oo ay isku horfadhiyaan ciidankooda iyo kuwa Puntland.

Col. Salaad Xaashi Diirshe ayaa sheegay in seddexadii maalin ee la soo dhaafay oo ay maanta ku jirto uusan dhicin wax dagaal ah isagoo Puntland ku eedeeyay in ay dagaalka hurinayso.

“Walaal Xaaladda waa deggan tahay maanta oo jimco ah waxa weeye galbeedka magaalada ayaa weli ciidanka isku horfadhiyaan balse wax dagaal ah ma jiro, tan kale waxaa jiray maxaabiis aan qabanay welina Galmudug waa ay heysaa maxaabiistaasi” ayuu yiri sarkaalkaasi.

Maxaabiistaas ayaa dhowaan magaalada Gaalkacyo ay ku soo bandhigtay Galmudug waxaana ku jiray rag dhaawacyo ay ku muuqdeen jirkooda.

Xaaladda magaalada ayaa maanta deggan mana jira wax dagaal ah, inkastoo dadkii shacabkii ahaa ay isaga baxeen Gaalkacyo markii ay  dulqaadan waayeen hubka labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Goobjoog News