U bood dhigaalka

Saraakiisha maamulka Jubba oo beeniyay in ciidamo ka baxsaday ay ku biireen maamulka Madoobe Nuunoow (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, kana mid ah maamulka KMG ee Jubba ayaa been abuur ku sheegay wararka sheegaya in ciidamo magaaladaasi ka baxay ay ku biireen maamulka Madoobe Nuunoow ee Lixda Gobal ah.

Korneel Cabdifitaax Macalin Nuur Saliim oo ka mid ah saraakiisha maamulka Jubba ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in warkaasi uu yahay mid aan jirin, islamarkaana ciidan ka baxay maamulkooda oo dhankaasi ku biiray jirin.

Dhamaan ciidamadii horay ula jiray Barre Hiiraale ee Kismaayo joogay waxa uu tilmaamay inay joogaan, isaga oo sheegay in cid walba oo cadeyn rabtana lasoo tusi doono.

Hoggaamiye Madoobe Nuunow ayaa horay u sheegay in mucaaradka maamulka Jubba, ay ka mid yihiin maamulkiisa, meel walba oo ay Jubooyinka ka joogaanna ay iyagu matalaan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News