U bood dhigaalka

Sare U Kac Ku Yimid Qiimaha Khudaarta Ee Suuqyada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Suuqyada Khudaarta ee magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa qiimo koror ku yimid qiimaha la kala siisto Khudaarta.

Ganacsatada Khudaarta iibisa ayaa sheegay in qiima kororka loo sababeynayo in wadada ay ku timaado Khudaarta ay ka jirto dhib faro badan waxaana lagu amraa gaadiidka wada Khudaarta in ay gadiyaan rarka .

Sare u kaca ku yimd Khudaarta ayaa keenay in yaraadeen dadkii iibsan jiray maadaama ay noqotay qaali.

Xabadii Cambaha ayaa waxaa la iibinayaa Suuqyada Muqdisho qiimo dhan 10 oo Shilinka Soomaaliga ah, halka markii hore la gadi jiray 5 kun oo Shilin Soomaali ah.

Kiilada Canabka ah ayaa sidoo kale waxaa la iibinayaa qiimo dhan 4 doolar,halka markii hore la iibin jiray 3 doolar, Xabadii Isbaandheyska ah ayaa waxaa la iibinayaa 3 oo Shilin Soomaali ah, halka Markii hore la iibin jiray 1 shilin.

Ganacstada ayaa tilmaamaya in wadada ay ku timaado Khudaarta ay keentay in sare uu u kaco qiimaheeda waxayna sheegeen in Khudaarta la keeno iyada oo qaar bololay.

Goobjoog News