U bood dhigaalka

Sare u Kac Ku Yimid Qiimaha La Kala Siisto Kalluunka Suuqayada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Sare u kac ayaa ku yimid qiimaha la kala siisto Kalluunka suuqyada magaalada Muqdisho, xilli Kalluunka ay dad badan iibsadaan.

Dadka ka ganacsada hilibka Kalluunka waxay sheegayaan in sababta qiimo kor ugu kacay tahay Kalluunkii oo suuqyada magaalada Muqdisho ku yaraaday.

Mid ka mid ah dadka magaalada Muqdisho ku iibiya Kalluunka ayaa u sheegay Goobjoog News, in xilligaan lagu jiro Cadada ama xilliyada bisha habeenkii ay aad u iftiinto, sidaa darteedna Kalluunka uu arkayo shabaqa lagu soo jillaabto.

“Kalluunka waa uu yar yahay, waxaa jirta cadde, sababta waxay tahay waxaa jirta shabaqyo lagu gaado Malayka oo habeenkii la dhigo, marka hadda maadaama ay cadde jirto Kalluunka wuu arkayaa shabaqa, wuuna ka cararayaa” sidaasi  waxaa yiri mid ka mid ah dadka ka ganacsada Kalluunka.

Kalluun yaridan ka jirta magaalada Muqdisho waxay saameyn xooggan ku reebtay dadka leh maqaayadaha oo inta badan Kalluunka ka macaashi jiray.

Goobjoog News