U bood dhigaalka

Sare u Kac Ku Yimid Qiimaha La Kala Siisto Qudaarta Suuqyada Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Waxaa  sare u kac laga dareemayaa qiimaha la kala siisanayo qudradda nuucyadeeda kala duwan guud ahaan suuqyada magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Sare u kacan ayaa salka ku haya biyo la’aantii wabiga shabelle oo ay ka dhalatay khasaaro xooggan oo soo gaaray beeraleydii ku tiirsanayd biyaha wabiga kuwaasi oo ay ka gubteen qudrad farabadan oo kobac ka heli jirtay waraabka biyaha wabiga

Waxaa iminka aan suurtagal ahayn helitaanka qaar ka mid ah khudaarta cagaaran taas oo aanan waqtigan laga heleynin suuqyada lagu iibiyo khudaarta ee magaalada Muqdisho.

Khudradda cagaaran ee haatan suuqyada aan oolin ee beeceeduna sarreeyo waxaa ka mid ah bisbaaska iyo khudrad kale oo aad u badan.

Kiilada bisbaaska ah ayaa suuqyada qudaarta xilligan waxaa ay ka mareysaa qiimo gaaraya illaa iyo 300 oo kun oo shillin Soomaali ah.

Sicirka khudaarta ee sare u kacay ayaa saameyn ku yeeshay dadka dan yarta ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ganacsatada iibisa khudaarta ayaa cabasho ka muujinaya qiimaha la iibiyo khudaarta ee iminka aadka u sarreeya.

Siciido Mahdi Cismaan waa mid ka mid ah ganacsatada iibisa Yaanyada waxa ay sheegtay in xilligan dhibaato xooggan ay ku qabaan ganacsiga yaanyada maadaama isbedel xooggan uu ku yimid qiimaha la iibinayo tanagga (Gasaca/koombada) yaanyada ah.

Waxa ay sheegatay qiimaha ugu macquulsan ee xiligan la iibin karo yaan yada ay tahay lacag dhan 50,000 oo shilinka Soomaaliga ah.

Iyada oo xustay  in tanagga yaanyada ah haatan suuqyada Muqdisho uu ka marayo qiimo dhan 500 kun oo shillinka Soomaaliga ah.

Khudaarta cagaaran oo kaliya kuma eka sare u kaca khudradda balse sare u kacan waa mid saameyay khudaarta oo idil.

Axmed Cabdullaahi Ibraahim wuxuu ka ganacsadaa khudaarta cad sida Baradhada iyo Basasha waxa uu Goobjoog FM u sheegay in loorka (Jawaanka) Baradhada ah iminka suuqyada Muqdisho uu ka marayo lacag gaareysa  4 milyan oo Shillinka Soomaaliga ah isaga oo xusay in iminka ganacsatada iibisa khudaarta dhibaato weyn ay ku qabaan sare u kacaasi.

Sidoo kale khudradda  sare u kaca laga dareemayo waxaa ka mid ah Muuska oo ka mid ah khudaarta aadka loogu isticmaalka badan yahay.

Shuceyb Maxamuud  waxa uu ka mid yahay ganacsatada Muuska keenta magaalada Muqdisho waxa uu Goobjoog FM u sheegay in iminka laba u jibaar uu kor u kacay qiimaha la iibiyo Muuska taasina ay ugu wacan tahay biyo la’aantii wabiga shabeele  inkasta oo hadda uu wabigu biyo keenay

Si kastaba ha ahaatee waxaa dhibaato xooggan iminka wajahay dadka dan yarta ah ee aanan awoodin in ay gataan khudaarta xilligan qiimaheedu  uu aadka u sare kacay.

Meelaha khudaartu ay aadka uga sare kacaday ma ahan Muqdisho oo kaliya balse sare u kaca khudaarta ayaa si isku mid ah u saameeyay guud ahaanba gobollada dalka iyo magaaladatan Muqdisho.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

W/D:- Xasan Kaafi Xaaji Maxamed

Goobjoog News