U bood dhigaalka

Sare u Kac Ku Yimid Qiimaha La Kala Siisto Raashiinka Suuqayada Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Sare u kac dhanka qiimaha raashiinka ah ayaa laga dareemayaa guud ahaan suuqyada Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in aysan jirin hadda gaadiidkii magaaladaasi soo gelin jiray raashiinka, kaasi oo inta badan ka bixi jiray magaalada Muqdisho.

Amniga guud ee wadooyinka Gobalka Shabellaha Hoose oo aad u xumaaday ayaa sabab u noqday in gaadiidka aanay halkaasi aadin, waxaana dadku ay sheegeen hadii arrintu sidaan kusii socoto in dhibaatada ay sii badan doonto.

Qiimahii hore raashiinka quudul daruuriga ah ee magaalada Marka la kala siisan jiray aad buu uga sareeyaa hadda, xilli dadka badi aysan awoodin qarashkaasi.

Wadooyinka gobalka Shabellaha Hoose waxaa kusoo batay rag hubeysan oo dhibaato ku haya dadka shacabka ah iyo gaadiidka halkaasi ku safra, waxaa intaasi usii dheer in la boobo raashiinka ganacsiga ah ee kusii jeeda magaalooyin ay Marka ka mid tahay.

Goobjoog News