U bood dhigaalka

Sare u Kac Ku Yimid Qiimaha Lagu Iibiyo Biyaha Deegaanka Ceel Baraag Ciise Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Baraag Ciise ee koonfurta Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jiraan xaalado adag oo dhanka Nolosha ah.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Mudug Cali Nuur Cayn ayaa soo sheegaya in sare u kac ballaaran uu ku yimid qiimaha lagu iibiyo Biyaha, iyadoo Halkii Fuusto ee biyo ah lagu iibinayo lacag dhan 75-kun oo shilin Soomaali ah.

Sababta arrintaan ayaa la sheegayaa in aanay jirin ceel biyoodyo hagaagsan oo dadka biyaha ay ka cabaan, lagana keenayo meello aad u fog fog.

Dadka qaar ma awoodaan in ay bixiyaan qarashkaasi, waxaana ay biyo kasoo qaataan deegaanada ku dhaw deegaankaasi.

Dhinaca kale deegaanka Ceel Baraag Ciise ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jiraan cuduro saameyn ku yeeshay Caruurta, kuwaa oo caruur badan ay la il daran yihiin.

Cuduradaan waxaa ka mid ah Jadeecada, Malaria, iyo Shuban Biyood, mana jiraan goobo caruurtaasi lagu daaweeyo.

Goobjoog News