U bood dhigaalka

Sare u Kac Ku Yimid Qiimaha Raashiinka Suuqyada Magaalada Marko

Sheeko:Dalka

Sare u kac ballaaran ayaa laga dareemayaa qiimaha la kala siisto raashiinka suuqayada magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Magaalada ayaa la sheegay in aysan jirin gaadiid sida raashiin oo gudaha u gali kara, kadib markii la tilmaamay in qeyb kamid ah magaaladaasi ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Madaxa amniga magaalada Marko Cabdikariin Xasan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maciishadda magaalada ay sare u kacday islamarkaana aysan jirin wax baabuur ah oo magaaladaasi geli kara.

Arrintani ayuu sheegay inay ugu wacan tahay kadib markii waddooyinka Marko geli jirey ay ku xirmeen colaadaha u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Xarakada Al-shabaab.

Magaalada Marko ayaa u kala qeybsan ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda oo bar cayiman ka jooga iyo Al-shabaab oo dhinaca kale ee magaaladaasi maamusha.

Shacabka ku dhaqan Marka qaarkood oo wareysi siiyey Goobjoog News waxay sheegeen in aysan awoodin qarashka dheeraadka ah ee ku darsamay raashiinka yar ee ganacsi ahaanta u yaalla magaaladaasi.

Goobjoog News