U bood dhigaalka

Sare U Kac Ku Yimid Sarifka Doollarka Suuqyada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Qiimaha lagu sarifo lacagta doollarka Mareykanka ee Suuqyada magaalada Gaalkacyo ayaa sare u kac xooggan laga dareemayaa.

Sare u kacaan ku yimid sicirka doollarka Mareykanka marka loo badelayo shilinka soomaaliga ayaa loo sababeenayaa doollar yari soo wajahday suuqyada Gaalkacyo taas oo ay keentay xoolihii loo dhoofin jiray wadamada khaliijka oo yaraaday.

Faysal Cali Ibraahim oo ka mid sariflayaasha magaalada Gaalkacyo ayaa Goobjoog News uga warramay isbedelka ku yimid qiimaha sarifka doollarka Mareykanka.

“Sarifka lacagaha qalaad kor ayuu u kacay, waxaana u sabab ah lacagta kaashka shillinka Soomaaliga ah ayaa suuqyada ku badan, waxaana ku yar lacagta doollarka, lacagta doolarka waxaa laga heli jiray ganacsiga xoolaha nool ee loo dhoofin jiray wadamada Khaliijka… bilihi lasoo dhaafayna wax xoolo ah lama dhoofin taas ayaana yareysay doollarki Mareykanka”

Qiimaha lala siisto sarifka doollarka Mareykanka marka loo bedelayo shillinka Soomaaliga suuqyada magaalada Gaalkacyo ayaa markii hore ahaa 100-ka doollar qabashada 2 milyan iyo boqol oo,halka bixinta uu ahaa 2-milyan 8 boqol iyo 50 kun oo shillin Soomaali ah waxayna hadda gaartay gacanta hore 3 milyan oo,halka gacanta dambe ay mareyso 3-milyan iyo 60-kun oo shillinka Soomaaliga ah.

Isbedelkan ku yimid sarifka doollarka Mareykanka ayaa saameyn ku yeeshay qiimaha maciishadda Gaalkacyo.

Goobjoog News