U bood dhigaalka

Sare U Kac Ku Yimid Qiimaha Kalluunka

Sheeko:Dalka

Dhallinyaro badan oo ku nool Caasimadda ayaa sheegaya in nolashooda uu saameyn ku yeeshay qiima korarka ku yimid kalluunka waqtiga bad xiranka.

Kalluunka laga soo jalaabto xeebaha Muqdisho waxaa nolashooda ku maareyn jiray dad badan,hadii ay ahaan lahaayeen,kuwa soo jilaabta, iyo kuwa kasii ganacsada ,maadama waqtiga bad xiranka ay yartahay in kalluun si sahal ah lagu helo.

Mowliid C/laahi Aweys waxaa uu iibiyaa Kalluunka waxaa uu Goobjoog News u sheegay in Kalluunka la keeno Suuqa uu yahay mid aad u yar waxaa uuna ku sheegay sababta in lagu jiro xilliga bad xiranka.

Maxamed Nuur Muxidiin isna waxaa uu ka mid yahay Kalluumeysatada waxaa uu sheegay in ku dhowaad labo bil uusan helin wax jilaabasho ah Maadaama lagu jiray xilliga bad xiranka oo hadda uu Waqtigiisa uu sii dhamaanayo.

Markii uu yaraado Jillaabashada Kalluunka waxaa ciriiriga ugu badan la kulma Macaamiisha iibsata Mallayga iyaga oo sidoo kale lagu kordhiyo qiimaha.

Maxamed Xeydar iyo Daadir waxaa ka mid yihiin Ganacstada Kalluunka iibiya waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in ay aaminsanyihiin in badda uu ka jiro Mallaay yari jirto taasina ay keeneyso qiimo koror ku yimaada qiimaha Kalluunka .

Marka lagu jiro bad xiranka waxaa aad u badan Khasaaraha ka dhasha kaasi oo is kugu jira naf iyo Maalba waxaana Kalluumeysatada soo gaaro dhibaato badan oo ay kala kulmaan badda.

Goobjoog News