U bood dhigaalka

Sarkaal Al-shabaab ah oo Isku Dhiibey Dowladda

Sheeko:Amniga

Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole oo ka tirsanaa sida la sheegayo saraakiisha Al-shabaab  Gobolka shabeelaha hoose ayaa isku soo dhiibay Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab.

Arrintan ayaa warbaahinta dowladdu ku sheegtay, “Kadib markii uu u adkeysanwaayay dhibtaada nololeedka ee ay kujiraan maleeshiyaadka argagixisada iyo tan ay ku hayaan Ummadda Soomaaliyeed.”
Taliyaha guutada 16-aad ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in horjooge Caato ay soo dhaweeyay islamarkaasna ay u gudbindoonaan Hay”adaha ku shaqadaleh.
Goobjoog News