U bood dhigaalka

Sarkaal Alshabaab Ahaa Oo Kismaayo Iska Dhiibey

Sheeko:Dalka

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku dhow saraakiil ciidan oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland waxaa Jubbaland isku dhiibey sarkaal ka tirsanaa Xarakada Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkani uu ka goostay Alshabaab kadibna uu isku dhiibey maamulka Jubbaland islamarkaana hadda lagu hayo xarun ciidan oo ku taalla Kismaayo.

Saraakiisha Jubbaland ayaa laga soo xigtay in sarkaalkani oo magaciisa lagu soo koobay Sheekh Maxamed, uu ahaa madaxa Zakawaatka Alshabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sarkaalkani ay la socdeen labo kamid ah ciidankiisa oo hadda kula sugan magaalada koonfurta galbeed ku taalla ee Kismaayo.

Sida la soo sheegayo waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu soo bandhigo sarkaalka ka  tirsanaa Alshabaab ee lagu hayo iminka magaaladaasi.

Degaanno kamid ah gobollada Jubbooyinka waxaa dhowaan ka dhacay dagaallo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ciidanka Jubbaland ay la galeen kuwa Alshabaab, waxaana sidoo kale jirey dad xoolo dhaqato ah iyo Alshabaab in ay iyana dagaallameen.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada