U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Diley Bakool

Sheeko:Amniga

Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in gobolka Bakool ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab iyo sidoo kale qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Ciidamada Booliiska gaarka ah ee K/galbeed ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Lafooleoo qiyaastii 30-KM u jirta degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Mas’uuliyiinta degmada Waajid ayaa sheegay in sarkaalka la diley lagu magacaabi jiray Macalin Deerow, sidoo kalena lala diley Saddex ka mid ah ilaaladiisa, kana qaateen hubkii ay wateen.

Caddow C/raxmaan oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka degmada Waajid ayaa sheegay in howlgallada ay ku baacsanayaan Al-shabaab ay weli ka socdaan gobolka Bakool.

Dhanka kale, Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin howlgalkaan la sheegay in sarkaalkan looga diley.

Goobjoog News