U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Ilaalada Deegaanka Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka.

Raggan ayaa la sheegay in marxuumka ay dileen xilli uu masjidka doonayey inuu galo, iyadoo dadkii dilkaasi ka dambeeyay ay baxsadeen.

Xaawo Kiin oo ah guddoomiyaha degmada Waaberi oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay inay wadaan baaritaanno ku aadan dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Waxay tilmaantay in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaanno la xiriira arrintaan islamarkaana ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan inay gacanta ku dhigaan cid walbo oo arrinkaasi ku lugta leh.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan, hase ahaatee sidan oo kale Muqdisho waxaa dhowr jeer uga dhacay dilal qorsheysan.

Goobjoog News