U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliiska Oo Lagu Dilay Degmada Kaaraan, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Afhayeenka wasaaradda amniga C/kaamil Macallin Shukri oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sarkaalkaasi lagu magacaabayey Cali Caddow Maxamuud, waxaana uu tilmaamay in ay u maleynayaan dilkaasi inay ka dambeeyaan Al-shabaab.

Waxa uu sheegay sidoo kale Afhayeenka in ay tacsi ka dirayaan geerida sarkaalkan islamarkaana ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo arrintan la xiriira.

“Waxaan u tacsiyadeenaynaa Sarkaalka Booliiska ah ee caawa lagu dilay degmada Kaaraan, Cali Caddow Maxamuud, waxaa dilay askarigaasi rag aan u maleynayno Nabad diidka, meeshana ciidanka ayaa tagay oo waa la baarayaa” ayuu yiri Afhayeen Kaamil.

Dilalka qorsheysan ayaa sidan oo kale waxay dhowr jeer uga dhaceen degmooyinka Muqdisho qaarkood, xilli ciidamada dowladda ay xoojiyeen howlgallada amniga lagu xaqiijinayo.

Goobjoog News