Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka DFS Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

Sargaalkaan oo lagu magacaabo Axmed Abuukar Shiikh ayaa kooxo hubaysan dhaawac ugu gaysteen Xaafadda  Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho xili uu maqribnimadii caawa ku siijeeday hoy uu halkaas ka deganaa

Axmed oo ahaa sarkaal labo xidigle ah kana mid ahaa sided iyo toban Sarkaal oo tababar ciidan kusoo qaatay Dalka Turkiga intii u dhaxaysay 2014-kii ilaa iyo 2017-ka markaas oo ay dalka dib ugu soo laabteen.

Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen saraakiil katirsan Dowladda labo xidigle Axmed intii  uu ku jiray shaqada Qaranka waxa uu ka baxsaday ka hor dhaawiciisa Xabsiga dhexe halkaas oo uu ku xirnaa Bilooyin kadib markii ciidamo uu madax u ahaa ay la baxsadeen hubkii ay wateen.

Si kastaba Askarta iyo Saraakiisha dowladda ayaa bartilmaameed u ah beegsi ay kala kulmaan Al-Shabaab waxaana inta badan dhacday saraakiil ka tirsan dowladda in lagu qaarajiyay weeraro qorshaysan oo kaga yimid Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa si gaar ah beegsi ugu haya Saraakiisha dhowaan galka ku ah ciidamada dowladda oo tababarka ku soo qaata Dalka Turkiga oo gacan ka gaysta tababarka Ciidanka Soomaaliya maadaama ciidamadaasi ay u badan yihiin dhallinyaro firfircoon waxna ka bedeli kara shaqada ciidanka.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW