U bood dhigaalka

Sarkaal ka tirsan hay'adda wadooyinka Puntland oo xalay lagu dilay Garoowe

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa xalay magaalada Garoowe ku dilay sarkaal maamulka Puntland u qaabilsanaa hay’adda wadooyinka.

Sarkaalka la toogtay ayaa lagu magcaabi jiray Cabdirshiid Bulxan Boqor Cismaan,waxaa uuna dilka ka dhacay nawaaxiga Hotel Towfiiq ,halkaas oo uu xilligaas ku socday marxuumka la dilay.

Lama sheegin ujeedada ka dambeysay dilka sarkaalkan iyo cida dishay, waxaana dilkan uu ka mid noqonayaa dilal fara ku tiris ah oo ka dhacay xarunta maamulka Puntland.

Ciidamada ammaanka maamulkaas ayaa la sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira qaabka uu dilka u dhacay iyo cida ka danbaysay,waxaana si gaar ah ay ciidanku isla xalayba u tageen wadooyinka magaalada iyo agagaarka goobta uu dilka ka dhacay.

Marxuumka la dilay ayaa ka mid ahaa qurba joogta ku nooleyd magaalada London oo uu muddo daganaa.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland kaas oo ku saabsan dilka sarkaalkan.