U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan NISA Oo Lagu Weeraray Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari uu la socday sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa NISA.

Gaari ay wateen raggan hubeysan ayaa la sheegay in lagu hor jaray gaariga sarkaalka, waxaana rasaas ay fureen ku dhaawacmay sarkaalkaasi iyo sidoo kale askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka.

Raggii wax weeraray ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada dowladda Federaalka oo howlgallo wada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News