U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsanaa Ahlu-sunna Iyo Ciidamo Uu Hoggaaminayo Oo u Goostay Galmudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in sarkaal ka tirsanaa ciidanka Ahlu-sunna laguna magacaabo C/risaaq Cali Tubaako iyo ciidan uu hoggaaminayey ay u u goosteen dhanka maamulka Galmudug.

Sarkaalkaan iyo ciidankiisa ayaa la sheegay in lagu soo dhaweeyay magaalada Cadaado oo hadda xarun KMG ah u ah Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Ahlu-sunna oo xiriir aynu la sameynay si aan wax uga weydiinno waxa ka jira sarkaalkaan dhankooda ka goostay ayeey ku sheegeen waxbo kama jiraan.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa ka talisa magaalooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxay sheegeen in aysan aqoonsaneen maamulka Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News