U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsanaa Al Shabaab Oo Isi Soo Dhiibay

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobalka Bokool ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarggaal ka tirsanaa Al-shabab kaas oo muddo la shaqeynayey.

Sargaalka la sheegay in uu  isi soo dhiibay ayaa lagu soo bandhigay magaalada Xudur, waxaana magaciisa lagu sheegay Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo Al-shabaab ka mid noqday sanadkii 2009-kii.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in sargaal Colaad uu Al-shabaab u qaabilsanaa wadista gawaarida, waxaana  uu ka howl galayey deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, sida lagu daabacay Sonna.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobalka Bakool Ibraahim Isaaq Ibraahib oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in  sargaal Colaad Cabdiraxmaan  oo isu soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Milatariga hadda ay ku socdaan  baaritaanno laguna sameynayo.

Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobalada kala duwan ee dalka  ayaa mudooyinkaan soo bandhigayey saraakiil ka soo goosata Al-shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibayey dhankooda.

Goobjoog News