U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Puntland Oo Maanta Xukun Dil Ah Lagu Fuliyey

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta waxay xukun dil ah ku fulisay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta maamulkaasi, kaa oo horay maxkamaddu ugu xukuntay dil toogasho ah.

Sarkaalka la toogtay ayaa lagu magacaabayey Gaashaanle Dhexe Caydaruus Daahir Awaare, kaas oo ku eedeysnaa dilka Labo Xidigle C/weli Faarax Ismaaciil.

C/kariin Xasan Firdhiye oo ah xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada ee Puntland ayaa u sheegay warbaahinta markii la fuliyey xukunka dilka ah kadib, in sarkaalka maanta ay tiigteen ay si caddaalad ah u marsiiyeen xukunka.

Wuxuu sheegay Xeer ilaaliyaha in cid walbo oo xad gudub sameysa sidan oo kale loo xukumi doono, wixii lagu xukumana lagu fulin doono.

Goobjoog News