U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsanaa Dowladda Federaalka Oo Xalay Lagu Dilay Degmada Baardheere Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay sarkaalka tirsanaa ciidanka dowladda ee ka howlgalayay degmadaasi.

Koox hubeysan ayaa la sheegay in ay sarkaalkaan dileen, iyaga oo ka baxsaday halka dilkaasi uu ka dhacay.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in sarkaalkaan la dilay uu ka mid ahaan jiray Xarakada Al-shabaab balse uu kasoo baxsaday isaga oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka mid ahaa saraakiisha ciidanka dowladda ee degmada Baardheere.

Saaka waxaa degmada Baardheere ka soconaya howlgal ay wadaan ciidanka dowladda Soomaaliya oo la doonayo in lagu soo qabto dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Maamulka degmada Baardheere iyo saraakiisha dhanka amniga ee degmadaasi weli wax faah faahin ah kama aanay bixin magaca sarkaalkaan la dilay iyo sidoo kale hadii ay jirto dad ay dilkaasi usoo qabteen.

Goobjoog News