U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsanaa Nabad Sugidda Degmada B/xaawo Oo La Diley

Sheeko:Amniga
Wararka laga helayo degmada B/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in gudaha degmadaas dabley hubaysan ay toogasho ku dileen mid ka mid Saraakiisha ciidamada Nabad sugidda ee ka howlgala degmadaasi sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen xubno ka tirsn Maamuka degmada.
Cabdi Qani Axmed Faarax  oo ka mid ahaa  Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ee degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayey Xaley goor dambe waxaa toogasho ku diley Labo nin oo ku hubeysan Bistoolado,iyagoona dilka ka dib halkaasi ka Qaatey Qori Ak47  oo uu ku hubaysnaa sarkaalkaasi.
Dableydii dilka geysatey ayaa durbadiiba goobta isaga baxsadey,waxaana maanta Baladxaawo ka soconayaan baaritaanno ay sameynayaan Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaasi.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News