U bood dhigaalka

Sarkaal La Sheegay Inuu Ka Mid Ahaa Al-shabaab Oo Isku Dhiibay Ciidanka Dowladda Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Sarkaal la sheegay inuu ka mid ahaa Xarakada Al-shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobalka Gedo, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidankan.

Garaad Faarax Warsame oo ah taliyaha ciidanka dowladda ee saldhigga degmada Baardheere ayaa u sheegay Goobjoog News, in shaqsigaan dhankooda isku dhiibay lagu magacaabo Maxamed Cali uuna qaabilsanaa dhanka Amniyaadka Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ninkaan Al-shabaabka ah annaga waan ogeyn waxa uu ka tirsanaa Amniyaadka, waa sarkaal la yaqaano oo degmada Baardheere ka shaqeyn jiray, xiriir buu nala soo sameeyay annaga ayaana maalmo gacanta ku haynay, waxa uu ka yimid dhanka degmada Bu’aale ee gobalka Jubada Dhexe” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale taliye Garaad ayaa sheegay in sarkaalkaan hadda loo soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho, oo su’aallo lagu weydiin doono.

Dhawaan ayeey ahayd markii isla gobalka Gedo uu iska soo dhiibay sarkaal ka mid ahaa Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News