U bood dhigaalka

Sarkaal Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa Goordhow waxaa ay suuqa Siinaay ee degmada Yaaqshiid ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee dowladda hoose.

Wararka ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysanaa ay sarkaalka ay ku soo weerareen Suuqa xili uu ku sugnaa  ay dhowr xabadood ku dhufteen Sarkaalka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ilaalada sarkaalka ay dhaawaceen mid ka mid ah raggii dilka geystay oo ay gacanta ku hayaan.

Sarkaal la dilay ayaa Wararka waxaa ay intasi ku darayaan in uu ahaa Sarkaalkii  Canshuurta ka qaadi jiray Suuqa Siinay, balse Maanta lagu toogtay Suuqaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay kuwaas oo haatan halkaasi ka wada howlgallo baaritaano ah.

Waxaan jirin ilaa iyo hadda warar ka soo baxay laamaha ammaanka ee cidanka dowladda federaalka oo ku  aaday dilka sargaalka lagu dilay suuqa siinay, iyo waxaa ka jira in ay jiraan cid loo qabtay tilka sargaalka ka tirsanaa dowladda hoose.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay dilal nuucaani oo kale ah kuwaas oo ay la kulmaan shaqaalaha dowladda iyo waliba dad rayid ah.

Goobjoog News