U bood dhigaalka

Sarkaalkii Hoggaaminayey Dagaal Jimcihii Ka Dhacay Baydhabo Oo Isku Dhiibay K/galbeed

Sheeko:Dalka

Cabdulle Isaaq, taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ahaana sarkaalkii hoggaaminayey dagaal Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa isku dhiibay ciidanka amniga ee magaaladaasi.

Warar ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in abaare Salaadii Cishaha ee xalay uu sarkaalkan tagey saldhigga Booliiska Baydhabo, maadaama loo haystay bilowga dagaalkaasi iyo sidoo  kale sababta shacabkii dhintey.

Cabdulle ayaa Labo cisho ku dhuumaaleysanayey isaga iyo ciidan uu hoggaaminayey duleedka magaalada Baydhabo, hase ahaatee wadahadal kadib waxaa lagu qanciyey in sharciga uu isku dhiibo.

Hadda waxaa su’aallo lagu weydiinayaa saldhigga magaalada Baydhabo, iyadoo dhanka kalena ciidamada ammaanka K/galbeed ay wadaan raadinta rag kale oo ku lug lahaa dagaalkaasi.

Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Isla Jimcihii amray in lasoo xiro cid walbo oo ku lug leh dagaalkaasi.

17 ruux oo 13 kamid ah yihiin shacab raashiin loo qeybinayey ayaa ku dhintey dagaalkan, kadib markii lagu murmay qeybinta raashiinka, waxaana dagaallamay ciidamada guddoomiyaha gobolka Baay iyo kuwa uu hoggaaminayey taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska gaarka ah ee K/galbeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News