U bood dhigaalka

Save the Children Oo Sheegeysa In 7 Ilbiriqsi Kasta La Guursado Gabar Ka Yar 15

Sheeko:Dalka

Gabar ka yar 15 sano ayaa la guursadaa 7 ilbiriqsi kasta, sidaa waxaa lagu sheegay warbixin ay daabacday Save the Children.

Warbixintan waxaa la sheegay in gabadha lagu guursado xitaa 10 sano sida ka dhacdo dalalka Afghanistan, Yemen, India iyo Somaaliya..

Gabdhaha yaraanta ku guursado waxaa lagu warramayaa in aanay ka tagaan waxbarashada, waxaa kaloo in yaraanta lagu guursado waxaa ay keeni karaa in ay dhalaan caruur dhicis ah ama xanuunsan.

Waxaa kaloo gabdhaha ay la kulmaan jil-dil, kufsi iyo xitaa cudurro ay ku jiraan HIC, sidaa waxaa lagu sheegay warbixinta Save the Children International.

Waddamada Niger, Chad, Central African Republic, Mali iyo Somaaliya  ayaa kaalimaha hoose uga jira liiskan ay soo saartay Save the Children International.

Goobjoog News