U bood dhigaalka

Sawir Selfie Ah Oo Ka Careysiiyay Dadka Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Dad badan oo Twitter-ka isticmaala ayaa si aad ah u hadalhaya qof sawir Selfie ah iska qaaday iyadoo dadka gaadaashiisa joogaa ay xaaladdu ku adag tahay, waxa uu farahisiisa ku tilmaamay calaamadda guusha!.

Ninkan ayaa waxa uu istaagay marshabiyeediga boosteejo tareen, waxa uu bilaabay inuu sawir selfie ah galo, halka gadaashiisa ay joogeen shaqaalaha gurmadka degdegga ah oo badbaadinayay haweenay uu talreen jiiray.

Isla waqtiga uu ninkaasi sawirka galayay ayaa waxaa dhacdada duubay shakhsi kale oo soo dhigay sawirka guud.

Sawirrada la qaaday oo ay daabaceen saxaafadda Talyaaniga ayaa caro badan dhaliyay, boolisku waxey u yeerneen ninkii sawirka Selfie-ga ah iska qaadayay waxeyna fareen inuu masaxo dhammaan sawiradii uu iska qaaday intii uu bosteejada joogay.

Goobjoog News