U bood dhigaalka

Sawirrada Goobjoog: 2 Muuqaal Oo Ku Cusub 1da Luulyo

Sheeko:Dalka

Saaka waa 1da Luulyo, maalinta xuriyadda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo midnimada, sida caadada u ah dowladda federaalka ah waxaa u xiran jidadka ugu waaweyn magaalada Muqdisho.

Sidaas ay tahay, waxaa cusub labo muuqaal oo aan horay loogu arkin maalmaha waddada la xirayo, kuwaas oo kala ah:

Basas:  Maamulka Gobolka Benaadir ayaa shacabka u diyaariyay basas u sahla isu socodka inta ay socdaan dabbaal degyada Maalinta Xorriyadda ee 1-da Luulyo

Dadka qaar ayaa noo sheegay in ay saaka u raaceen meelo kale oo aan xarunta dabaal-degga ah, waa basas dhowr ah, meelo kala duwan ayaa lagu kala qoray,  tani waxaa fursad ay dadka qaar heleen intii ay meel fog-fog u lugeyn lahaayeen.

Goobo Datryeel: Waxaan meelaha qaar ku soo aragnay goobo daryeel oo Teendho laga taagay, taasi oo dadka masaakiinta ah ay saf ugu jireen.

Saraakiisha halkaasi joogtay oo ka gaabsaday inay faah-faahin bixiyaan, waxaa ay ku soo koobeen waa “Daryeel masaakiin”.

Hadda, waxaa garoonka Koonis ka socota dabaal-degga maalinta 1da Luulyo, waa 58 sano guuradii maalinta xuriyadda gobollada koonfureed iyo israaca labada gobol.

Goobjoog News