U bood dhigaalka

Sawirradii Farmaajo ee Waddooyinka Muqdisho Surnaa oo La Gubay

Sheeko:Amniga

Tillaabo nooceeda ah tii ugu horeysay ah tan iyo markii la bilaabay hannaanka yegleelidda jahhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya burburkii kadib ayey sabtidii dadweyne careysan ku gubeen gudaha caasimadda Muqdisho sawirada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Farmaajo halla gubo”  “Halla gubo ajar ayaa laga helayaa”,  iyo erayo kale oo caro iyo ciil ka muuqatey ayey ku celcelinayeen shacabka iyaga oo dhagxaan u qeybinayey bidix iyo midig, waxaa ay isku dayeen iney galaan xarumo dowladeed waxaa kale oo ay burburiyeen meherado ganacsi ay shacab leeyihiin halka ciidamada dowladda federaalka ah ay mararka qaar kor u ridayeen rasaasta nool.

Dibad-baxa oo ka dhaca qeybo ka mid ah bariga Muqdisho gaar ahaan Boondheere iyo Shingaani ayaa ka dhashay dil uu dable booliis ah u geystay afurka kadib  Madiinno Cabdullahi Cabdi oo 17 jir aheyd iyo Xasan Cali Cadaawe oo 24 ahaa, labaduba waa 25-kii bishan lagu dilay Boondheere.

Cadhada ayey qaar ka mid ah dadweynaha Muqdisho kula dul dhaceen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyaga oo saaray mas’uuliyadda bandowga iyo wax kasta oo dhacaya.  Dibad-baxayaal ku sugnaa isgoyska Shingaani ayaa soo riday baalle uu surnaa sawirkiisa, qaar sawirrada waa gubeen halka kuwii ku adkaadana ay jeexjeexeen.

Si shacabka loo dejiyo, taliska ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan  24 jir, kaasi oo hadda ku jira gacanta hay’addaha garsoorka, waxaa sidoo kale xilka laga qaaday taliyaha booliiska degmada Boondheere Najiib Carab iyada oo dib loo dhigay saacadda bandowga, lana qafiifiyey isu socodka.

Dilka loo geystay  Madiinno Cabdullahi Cabdi  iyo Xasan Cali Cadaawe waxaa cambaareeyey sidoo kale odeyaasha dhaqanka, madasha xisbiyada qaran iyo waxgaradka Soomaaliyeed iyaga oo dalbaday in lala xisaabtamo cid walbo oo arrinkaas ku lug lahaa.

Waa Sawiirada Dibad-baxa: