U bood dhigaalka

Sawirro: 3 Qarax Oo Mataano Ah Oo Lagu Weeraray Hotel Saxafi

Sheeko:Amniga

3 qarax oo mataanno ah oo loo adeegsaday gawaari ayaa galabta ka dhacay albaabka Hotel Saxafi, KM4 ee Magaalada Muqdishu.

ilo ka tirsan hey’adda NISA ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inuu hadafku ahaa Hotel Saxafi, iyada oo qaraxyada ay ka kala dhaceen ka soo horjeedka Shaneemo Ekwadoote, albaabka Hotel Saxafi dhanka Airportiga Aden halka qaraxa 3aad ahaa albaabka hotel Saxafi dhanka C.I.D

In ka badan 10 qof ayaa dhimatay, waxaan ku burburay gawaari badan oo ay dheer tahay khasaaraha soo gaarey Hotellada Saxafi iyo Xayat iyo ganacsagii ka ag dhowaa, gawaarida burburay waxaa ka mid ah mid ay leedahay Amin Ambulances

Waxaa ay aheyd November 1, 2015, markii ay Alshabaab weerareen isla Hotelka Saxafi iyaga oo dilay milkiilaha Cabdirashid Ilqeyte, Taliyihii ciidamada xoogga Dhagabadan iyo Xildhibaan Odowaa.

Wixii Faahfaahin ah, kala soco halkan

Goobjoog News