U bood dhigaalka

Sawirro: Abaaraha Soomaaliya Ka Jira Oo Sababay Dhimasho Dad Iyo Duunyo Ah, Barakacii Ugu Darnaa Ayaa Socda

Sheeko:Dalka

Dalka waxaa ka jira abaaro ba’an, Gobollada Togdheer iyo Sanaag xoolihii waa ay la’deen halka dadka ay barakacayaan si nafta u badbaadiyaan, gobollada Puntland waxaa harraad iyo gaajo u geeriyooday dad, xoolo iyo duur-joog.

Gobollada dhexe dadka waxaa ay isugu yimaadaan magaalooyin-ka iyagoo ka soo cararay wixii ay xoolo lahaayeen oo badankooda sida ay sheegeen u dhintay biyo iyo baad la’aan, gobolka Gedo waxaa ay dadka ka sheeganayaan biyo la’aan iyadoo ay khatar ku jiraan nolosha dadka iyo duunyada.

Hadaba halkan ka akhriso sida abaarta u saameysay gobollada dalka Soomaaliya:

Somaliland: Deegaannada Sanaag bari sida Laasqoray  waxaa ka jira abaaro sababay baro-kac, iyagoo dadka uga  hayaameen dhanka bari ee deegaankaasi, jidadka hareerahooda waxa yaalla  xoolo dhintay waxaana  meelaha qaar looga tagay dadka intii jilicsanayd sida caruur iyo dumar .

Deegaannada qaarkood dad meelo kala duwan abaarto ay ka soo ka xaysay  ayaa iskugu ururay iyaga oo ku sugaaya  halkaas gargaar ay ka helaan.

Dad ka qaxaya abaaraha, Sool, Somaliland. November, 28, 2016. Sawirka Goobjoog News
Dad ka qaxaya abaaraha, Sool, Somaliland. November, 28, 2016. Sawirka Goobjoog News

Maamulada iyo hay’adaha gargaarka  deegaanka Sindhoobo oo 40 Km dhanka galbeed ka xigta magaalada Laascaanood  waxa ku sugan waqtigan ku dhawaad 200 oo qof  oo iskaga yimid deegaano qaarkood aad uga fog yihiin ,  qorraxda oo kulul  iyo biyo la’aan heysatana dadkaasi waxay  halkaas ku sugayaan cuno iyo biyo.

Adhi ku dhintay abaarta Togdheer. November 27, 2016| Goobjoog News
Adhi ku dhintay abaarta Togdheer. November 27, 2016| Goobjoog News

Qoysas ka soo guuray abaaro ka taagan deegaanada Sanaag bari oo aan  ku jira geedi aan jiho lahayn madaama ayna jirin  meel ay roob ku ogyihiin  oo ay u socdaan ayaa ku sugan waqooyiga magaalada Laascaanood .

Cabdulaahi Cali Barre waa aabe qoyskiisu ka koobanyahay isku dar ahaan 143 qof  waxay ku suganyihiin deegaan Baadiye ah  oo ku Laascaanood waqooyi ka xiga  isaga oo ka walaacsan xaalka abaarta ee haysata oo xoolo badana  ay kaga dhinteen ayuu Goobjoognews la hadlay

“Xoolihii dhammaa iyo dadkii waxaa u timid Abaar waxaa dhacday abaar xun oo aan waligey aan arkin  xoolaheyga waxa ay gaarayeen geela boqol iyo dhowr halaad arigana asna waxa uu gaarayey kun neef  hadda waxaa ka hartay wax aan sidaas ubadneyn intii kale waxay ku dhinteen Abaartii.”

Xoolaha inta hartay wax gadanaayo ma jiraan  waa abaar cid biil ii soo dirtana majirto  , xaalasheyga ayaan biilan jiray deegaankii aan deganaa waan ka soo guuray baabuur ayaa nasoo raray oo 4 maalin ayuu nasoo waday hadda cunto ma heysano  balse hadda dadka way fiicanyihiin waxaana kaala hadlaa buulo . ayuu hadalkiisa ku soo afjaray.

Xaliimo Cabdi oo deegaan u dhaw Buuhoodle ka timi waxay sheegaysaa inay Ari ku dhawaa 200 oo neef ay hadda toban wax ka yar uga hareen  iyada iyo  caruur  ah oo ay dhashay hadda waxay ku sugan yihiin Sindhoobo.

Lafaha Adhi dhintay, Togdheer, Somaliland. November 27, 2016| Sawirka: Goobjoog News
Lafaha Adhi dhintay, Togdheer, Somaliland. November 27, 2016| Sawirka: Goobjoog News

Deegaanka Yagoori  oo iyaduna ka tirsan gobolka Sool  xoola dhaqatadu waxay sheegaysaa inay hadda gamco maran taagan yihiin ka dib markii ay abaaruhu dhammeeyeen xoolahoodii , waxayna badankoodu dadka intii xoogganayd ay soo galeen  tuulayaasha iyaga oo cunno  iyo biyo raadinaya .

sool-la-anood-1
Dad Biyo La’aan heyso, Sool, Somaliland. November 28, 2016. Sawirka: Goobjoog News

Deegaanada Gobolka Togdheer waxa abaarto muujisay muuqaalo aad u naxdin badan waxaana dadka deegaanku sheegayaan inay arkeen  neef xoolo ah oo mid kale oo dhintay dhogortiisa  cuunaaya  gaajo darteed , waxaana sidoo kale  dhacday in Geelii isagu wax qaadi jiray in Gaari gacan lagu qaado meelaha qaar .

Puntland:Deegaannada Bandarbeyla ee bariga Puntland  waxaHarraad iyo gaajo abaaraha ka dhashay u geeriyooday afar qof oo ay labo carruur yihiin, labo sano dadkan dhibkan ayaa heystay.

Guddoomiyaha degmada Bandarbeyla  Siciid Aadan Cali  oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay dadka abaarta u geeriyooday ka sakaw inay jiraan  boqolaal xoolo ah  oo  abaaruhu galaafteen  .

“Degmada waxaa ku dhintay afar qof, nin iyo labo caruur ah oo uu  dhalay sidoo kale todobaadkii la soo dhaafay asna waxaa ku dhintay hal qof oo dumar ah dhamaantoodna gaajo iyo harraad ayay u dhinteen, hadda dad badan ayaa la il daran abaarta dhanka maamulka Puntland way jiraan abaabul ay wadaan oo gurmad ah lkin ilaa iyo hadda waxba kamaana helin “ ayuu yiri Guddoomiye Siciid

Saciid waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale ay jiraan duur-joog badan oo deegaankaasi ku noolayd oo hadda dhimanaya, waxaana meesha ka baxay dalagii iyo khudaartii oo aanay dadku deegaanku helin ku dhawaad sannad iyo bar.

Guddoomiyaha Bandarbeyla oo sii hadlaya waxaa uu yiri:

“Xaaladda aad ayey u adagatahy dhibka ugu weyn waxaa ugu horreeyo gugii kale ayaan de’in deyrtii hadana ma de’in waxa intaasi dheer  abaar dabo dheeraatay way ku dhinteen sidoo kale Khudaarta xitaa iyadu waa roob la’aan oo wax dalag ah oo soo go’ay ma jiraan duur-joogtii xitaa waxy u dhinteen gaajo iyo harraad, dadka waxa ay la il daranyihiin gaajo iyo haraad dhibaatadaas aadka u daran ayaa saameyn ku yeelatay dadka degan magaalada Bandherbeyle iyo deegaanada ku hareereysan degmada Banderbeyla  waa degmada ugu dulka balldhan marka loo eego Soomaaliya.”

Siciid ayaa xusay inay dadku awoodi waayeen xataa inay  u hayaamaan deegaano kale abaarta oo dhul ballaaran ku fidsan awgeed , waxaanu sidoo kale guddoomiyuhu ka cabsi qabaa inay dad kale u geeriyoodaan  abaartan.

Galmudug Iyo Hirshabeelle:Gobollada dhexe, Mudug Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, waxaa ka jira abaaro kale, dadka waxaa ay u barakacayaan magaalooyinka, inta badan xoolihii ayaa ka le’day.

Magalada Beledweyne iyo degmada Maxaas oo kutaala bariga fog ee Gobolka Hiiraan waxaa ku dhex nool dad kor u dhaafaya 8 kun oo qoys, kuwaas oo usoo naq raacay degmadan oo dadka loogu sheegay xoogaa roobab ah mudo bil kahor.

Caruur Abaaro la il daran, Hiiraan, gobollda dhexe. November 29, 2016| Sawirka: Goobjoog News
Caruur Abaaro la il daran, Hiiraan, gobollda dhexe. November 29, 2016| Sawirka: Goobjoog News

Axmed xaashi waa nin dhallinyaro ah oo da’ diisa waa 30- sano jir, weriyaha Goobjoog ayaa kula kulamay inta u dhexeysa Teedaan Iyo Dabayoodley ee bariga gobolka Hiiraan.

Axmed waxa uu ilaalinayay xoolo gaaraya ilaa 50 neef oo ari ah, waxaa uu sheegay in uu kasoo biyo raadsaday deegaan fog oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, qarash badan oo garaya ilaa 700 oo doolar ayuu ku xiyay gaarigii uu ka soo qaatay goobtii uu kusoo guuray, waxaana uu intaaa ii raaciyay in  xoolihii uu lahaan  inta badan abaarta uga dhammaadeen.

beletweyne-9
Dad Qaxaya, Beledweyn, Hiiraan, November 29, 2016| Sawirka: Goobjoog News

Weriyaha Goobjoog News Khalid Maxamud oo safar ku maray meelo badan oo abaaro ka jiraan waxaa uu la kulmay dad taagan hareeraha wadada oo biyo ay cabaan, dad socota ah oo raadinaya meel aay raxmada Alle ay ka curatay iyo kuwa qaar deegaanka ah oo aay aad uga fog-yihiin halka biyaha aay u raadsadaan.

Deegaannada kala ah Teedaan, Raqso, Hees, Coomaad, Bukure, Ina Baal, Galoowribad, iyo deegaano kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraaan una dhaxeeya inta badan degmooyinka Matabaan iyo Maxaad waxay kamid ahaayeen deegaannadii dadka ugu badan ay soo wada maciin bideen hase ahaatee xaaladihii aay kasoo carareen ee roob la’aanta ah mid lamid ah ayaa ku haaysato halkaasi, waxaa intaa u dheer in guryohoodii oo ay ka kasoo fogaadeen maadaama badankood dadkan ay kasoo bara keceen abaaraha ka jiro  gobollada kala ah Galgaduud, Shabellaha Dhexe iyo qeybo kamid ah gobolka Mudug iyo deegaanno abaartu saameysay oo gobolka Hiiraan ah.

beletweyne-11
Geel sida dad iyo rar, Hiiraan, November, 29, 2016| Sawirka: Goobjoog News

Hooyo Magaceeda ku sheegtay Xaliimo Cabdi waxa ay ka soo guurtay dhulka baadiyaha ah ee hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, Xaliimo waxaa ay sheegtay in ay horey u lahayd 500 oo neef oo Ari ah, hadane ay leedahay wax ka yar 100 neef, waxa ay intaa ku dartay in ay meel fog ay kasoo raadisay raxmadda Alle oo halkaan loogu sheegay si badbaado ay u helaan xoolaha aan badneyn ee ay hada haysato.

Mumin Maxamed Xalane oo ah gudoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa uu sheegayaa dhibaato aad u adag oo heysata dadka ka yimid gobollada dalka, isagoo ku baqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkan.

beleyweyne-12
Biyo Dhaamin, Baladweyn, Hiiraan, November, 29, 2016| Sawirka: Goobjoog News

Gedo:Gobollada koofurta waxaa sidoo kale ka jira abaaro ba’an, gobolka Gedo  oo abaaruhu ka jiraan in ka badan laba bilood  waxaana la arkayaa  dad ku noolaa baadiyaha  Gedo iyaga oo jidadka waddooyinka taagan oo baabuurta biyo weydiisanayaa intay xooluhu iskaga yimaadeen Waxaana jidadka ay dadkaasi baabuurta u taagan yihii ka mid ah waddooyinka isku xira Baaadheere iyo Faartax  Dhuun  oo isu jira 84 Km iyo Kurtun Dhooble oo Ceel-waaq u jirta ilaa 65Km .

gedo-1
Dad Abaaraha ka soo cararay, Gobolka Gedo, November 28, 2016| Sawirka: Goobjoog News

Maxamed Kureed waxa uu ka mid yahay dadka Gedo abaartu ku heysato isaga oo Goobjoog News la hadlaaya ayuu yiri

“ Xaalada ka taagan deegaanka waa xaalad aad u adag dadka joogana waa dad ay u dhibaateysan waa dad abaar heyso iyo macluul  wadooyinka ayaan taaganahy nafta ayaa naga gashay  gaadiid iyo meel aan biyo ka cabno ma heysano dadka wadada maraayo ayaan waxaan cabno nasiiyo baabuurta aan bilyaha ka qaadano waxay maraan inta u dhaxeyso baardheere iyo ceelwaaq”.

Foostada biyaha ah  ayaa deegaanadaasi  Gedo la siinayaa lacag dhan $25 dollarka maraykanka ah.

gedo-2-1
Dad Abaaraha iyo Biyo La’aanta Ka soo cararay, Gedo, November, 28, 2016| Sawirka: Goobjoog News

Dad ku soo haraaday baadiyaha ayaa iyaguna soo galaaya magaalooyin ay Baardheere ka mid tahay , waxaana dadkaasi ku jiraa caruur  gaari dameero lagu  sido oo tamartii socodku ka dhammaatay .

Xogaha kala duwan  ee ay Goobjoog News ka ururisay  deegaanada dalka ee abaaraha ba’ani  ka jiraan  waxay dadka qaar sheegayaan inay tahay markii ugu  horraysay ee ay abaar nooca ah arkaan  xusuustooda.

W/D: Cumar Serbiya, Khalid Ilka-Case iyo Cabdi Caziz Gurbiye.