U bood dhigaalka

Sawirro: Ajaaniib Ka Dhinac Dagaallami Jirtay Al-shabaab Oo Lagu Qabtay J/hoose

Sheeko:Amniga

Hay’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxay soo bandhigeen rag ay sheegeen iney ahaayeen ajaaniib ka dhinac dagaallami jirtay xarakada Al-shabaab, kana howlgeli jiray deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Raggan oo Saddex ah ayaa waxay saraakiisha ciidanka Jubbaland sheegeen iney u dhasheen wadanka Tanzania, laguna soo qabtay howlgal ay ciidanku ka sameeyeen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiishan ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan raggan, islamarkaana dib laga bixin doono faah faahinno dheeraad ah.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal raggan la sheegay iney ka mid ahaayeen ajaaniibta ka bar-bar dagaallami jirtay, islamarkaana ay qabteen ciidanka Jubbaland.

Goobjoog News