U bood dhigaalka

Sawirro: Axmed Madoobe oo Kismaayo Ka Furay Shirka Nabadeynta Jubbaland

Sheeko:Dalka

Madaxweynha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xalay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi waxa uu ka daah furay shir loogu magacdaray nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland waxaana Axmed Madoobe uu halkaasi ka jeediyay khudbad taabanaysay dhinaca nabadda.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa golihii isbadal doonka ee dhowaan heshiiska la galay madaxda Jubbaland waxaana halkaasi sidoo kale hadallo ka jeediyay madaxdooda.

Axmed Madoobe ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay inay israacdo Jubbaland isaga oo hoosta ka xariiqay in isaga laftiisa dhaliilo loo jeedin karo islamarkaana wixii tabasho ah loo baahan yahay in lagu xaliyo miiska wadahadalka.

Dhanka kale hoggaamiyaha Jubbaland ayaa dowladda federaalka ah ugu baaqay inay nabadda la qaataan maamulkiisa isago oo xusay inay yimaadaan deegaannada Jubbaland waxa uuna xusay inuu ka mahadcelinayo muddadii ay kala xirnaayeen iyaga iyo dowladda Farmaajo.

Axmed Madobe ayaa sidoo kale sheegay in xilligan laga bilaabo aysan jirin wax la yiraahdo isbadal doon taa badalkeeda ay Jubbaland Mid tahay isaga oo intaas raaciyay in kulankii xalay ay ka dambeyn doonaan kulamo kale waxa uuna si gaara u xusay in haweenka Jubbaland uu kulamo gaar ah u sameyn doono kuwaas oo lagu xalin doono tabashooyinkooda.

Shirka nabadeynta loogu magacdaray ee uu daah furay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya xilli wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka ah balse Madoobe ayaa ku guuleystay inuu dhammaan isu keeno dadkii kula loolamayay kursiga, lamana oga tallaabada ay dowladda Farmaajo ka qaadan doonto maamulkan.

Halkaan ka daawo sawirrada

No photo description available.

Image may contain: one or more people and people standing, text that says 'SHIRKA NA U HES' DEYNTA IYO DIB 1 JUBBALAND EENNU EENNA" KISMAAYO 2020 AND, SOOMAALIYA'

Image may contain: 4 people, people sitting, table, child and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, wedding and outdoor

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 2 people, outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, wedding and outdoor

Goobjoog News