U bood dhigaalka

Sawirro: Axmed Madoobe Oo Qaatay Shahaadada Musharraxnimo Ee Madaxweynaha Jubbaland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta oo sabti ah qaatay shahaadada musharraxnimada madaxweyne ee maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa buuxiyey shuruudihii dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa intaas kadib Saxaafada kula hadlay banaanka Xarunta gudiga isagoo sheegay in uu maray hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay musharaxiinta kale in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadallo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba usoo kordhin doonin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magacaabista gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha balse isaga iyo musharaxiinta kale ay u siman yihiin, loona baahan yahay in loo hoggaansamo wuxuuna intaas ku daray in dhammaan xuquuqaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha aanay gor-gortan galaynin sida ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida guud.