U bood dhigaalka

Sawirro: Bajaajlayaasha Muqdisho Oo Dhigey Dibadbax Cabasho Ah

Sheeko:Dalka

Darawaladda kaxeeya mootooyinka Saddex Lug leh ee loo yaqaan Bajaaj, ayaa waxay maanta oo Isniin ah dibadbax ballaaran ka dhigeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan taalada Daljirka daahsoon.

Dibadbaxan ayaa ahaa mid ay ku muujinayeen cabasho, kadib markii ay sheegeen in loo diidey iney u gudbaan wadada Makka Al-mukarrama ee Muqdisho.

Waxay sheegeen in ciidamada Xasilinta ee ku sugan waddooyinka Muqdisho gaar ahaan kuwa soo aadaya dhanka wadada Makka Al-mukarrama u sheegeen inaanay halkaasi u gudbi karin, taasi oo ay tilmaameen iney tahay xadgudub lagu sameeyay.

Intii ay dibadbaxayaasha halkaasi ku sugnaayeen waxaa u yimid Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Saalax Sheekh Maxamed, kaasi oo dejiyey dibadbaxayaasha.

Waxa uu guddoomiye ku xigeenka u sheegay dadkan isku soo baxay in la xalin doono waxa ay tabanayaan, balse ay iska soo saaraan Shan qof oo guddi ah oo aqalka dowladda hoose kula shira madaxda gobolka, la islana meel dhigo tabashadooda.

Hoos ka arag sawirada

D5 D4 D3 D2 D1

Goobjoog News